Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa la filayaa in dhawaan uu hortaggo Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii uu soo geba-gaboobo Shir ay Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada ku yeelanayaan Magaalada Dhuusamareeb.
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha oo gudanaya waajibkiisa Dastuuriga ah uu 5-ta bisha Febraayo, 2021 shir degdeg ah isugu yeerayo xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya, si uu warbixin uga siiyo xaaladda guud ee dalka iyo gaar ahaan doorashooyinka dalka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa kal hore Baarlamaanka labada Aqal hortegay, isaga oo kala hadlay Arrimaha doorashooyinka dalka, kuwaas oo ilaa hadda aan wax heshiis ah laga gaarin.



