Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku tagay dalalka Itoobiya, Uganda iyo Jabuuti ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.
Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in guulo ay ku soo dhamaadeen dhamaan safaradii dalakaasi uu ku tagay waxana uu sheegay in ay ka aqbaleen sidii ay Soomaaliya uga gacan siin lahaayeen dagaalka cusub oo lala galayo Al-Shabaab.
Madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay sidii loola dagaalami lahaa Al-Shabaab.
Dhawaan ayuu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah dagaalyanada Al-Shabaab Madaxweyne Farmaajo waxaana taageero ciidan uu u raadsaday dalalka dariska ah.



