AMISOM” Qarax iyo dagaal toos ah ayaan la kulanay”

Afhayeenka Ciidamada AMISOM ayaa ka hadlay Weerar iyo Qarax Maanta ka dhacay meel u dhow degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Wakaalada SONNA oo la xiriirtay Afhayeenka Ciidamada AMISOM Wilson rono, wuxuu xaqiijiyay in qarax iyo dagaal toos ah ay la kulmeen ciidamada AMISOM, laakiin wuxuu sheegay inuusan xaqiijin karin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi.

“Kolonyo ciidamadeena oo marayay meel u dhow degmada Afgooye ayaa waxay la kulmeen qarax iyo dagaal toos ah, iyadoo ciidamada ay sameeyeen iska caabin, lama xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay weerarka, dib ayaan ka soo sheegi doonaa macluumaadka saxda ah”

Ciidamada AMISOM ayaa saakay dad Shacab ah ku laayay gobolka Shabeelaha Hoose sida ay xaqiiijiyeen dadka kunool degaanka Lafoole.