Madaxweyne Cagjar oo xilalka ka qaaday 4 Mas’uul iyo Khilaafka oo xoogeystay

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Muxumad Cumar ayaa xilka ka qaaday Mas’uuliyiin dhowr oo la sheegay in ay kasoo horjeedeen maalmihii lasoo dhaafay.

Kulankii golaha wasiiradda ee DDS waxaa xilkii looga qaaday koox lagarab ah axmed shide kuwaas oo kala ah.

1. C.xakiin Cigaal _ Madixii xarunta dhexe Ee Xisbigga.

2. Guleed aw-cali wasiirkii warfaafinta DDS.
3. C.xukun Cali Dubad oo ahaa madixii Mac’hadka farsamada ee DDS.

4. Cabdi Bile madaxii shirkada yar yar ee DDS.

Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida  Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar ayaa Wasiirka Warfaafinta u magacaabey Cabdillaahi Maxamed Mowliid.

Madaxweynaha Dowlad degaanka ayaa tan iyo intii uu xilka qabtay waxaa soo food saaray caqabado badan oo ay ka mid yihiin arrinta isku dhaca qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada, oo uu meel adag ka istaagay, isagoo na horay u sheegay in isabdel uu ka dhacay deegaanka Soomaalida, balse xagga Oromada uusan wax isbadel ah ka dhicin.

Awoodda Xisbiga ayaa u muuqata inay sababtay loollan adag oo u dhexeeya madaxweynaha deegaanka, Mustafa Cagjar, iyo Gudoomiha Xisbiga, Axmed Shide.

Shide waxaa uu ku xiran yahay dowladda federaalka Itoobiya, wuxuuna horay u soo noqday wasiirkii warfaafinta, haatanna waa wasiiraka maaliyadda ee dalka Itoobiya. Waxaa muuqata inuu saameyn badan ku leeyahay siyaasadda deegaanka.