Madaxweynaha Soomaaliya oo u ambabaxay dalka Uganda

Muqdisho-RisaalaFM- Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Kambala ee xarunta dalka Uganda si uu uga qeyb galo caleemo saarka Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni oo dhawaan shacabka dalkaasi markale ay u doorteen hogaanka dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa ku sii sagootiyay Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil ciidan.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdiga la socda ayaa caawa lagu marti qaaday in ay ka qeyb galaan casho sharaf ka dhici doonta Madaxtooyada Qaranka Uganda.

Waxaana dhinaca kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa madaxda dalkaasi iyo hoggamiyeyaasha kale ee ka soo qeybgali doona caleemo saarka Madaxweynaha dalka Uganda.