Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Dhadhaab

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow gaaray xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya .

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa Dhadhaab uga sii horreeyay wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye iyo sidoo sidoo kale safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu noqonayaa madaxweynihii Somaaliyeed ee ugu horeeyay ee booqda Dhadhaab muddadii ay xeradaasi jirtay.

Booqashadiisa waxay ku soo aadeysaa xilli ay dowladda Kenya isu diyaarineyso inay xirto xeryaha Dhadhaab, ugu dambeyn bisha November ee sanadkan.