Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa maanta waxa ay gaareen magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland iyagoo ka amba baxay Muqdisho waxaana garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo sagootiyey xubno ka tirsan labada gole ee dawladda federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa markii uu uu gaaray magaalada Garowe ee caasimadda Puntland waxaa ku soo dhoweeyey Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, Wasiirro, Xidhibaano iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah, waxaana intaasi kadib loo soo gudbiyey Madaxweynaha Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garowe halkaas oo uu warbaahinta kula hadlay.
Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ka warbixiyey safarkii shaqo ee isaga iyo wafdigiisu ay ugu maqnaayeen magaalada Muqdisho waxaana uu sheegay in magaalada Muqdisho ay uga qayb galeen shirkii Madasha wadatashiga qaran ee looga hadlayey xilliga kala guurka ah iyo sidii waddanka uu uga dhici lahaa isbeddel horseeda dawladnimo wanaagsan oo tayo leh ay haysata kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale xusay heshiiskii ay wada galeen Puntland iyo dawladda federaalku horraantii bishan, waxaana uu ku tilmaamay heshiiskaasi in uu ahaa mid muujinaya Maslaxadda guud ee ummadda Soomaaliyeed in ay isku mid tahay isla markaan ay Puntland marwalba ka shaqayso maslaxadda guud ee dalka.
Ugu dambayntii, Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa caddeeyey in ka-xukuumad ahaan ay Puntland ku qanacsan tahay heshiiskaasi isla markaana ay aad usoo dhoweyeneyso, sidoo kalena uu dhici doono shir kale oo looga hadli doono arrimaha dastuurka qabyo qoraalka ah, kaas oo lagu qaban doono magaalada garoowe horaanta bisha soo socta kaas oo lagu lafo guri doono dastuurka oo ay Puntland hore dhowr mar uga hadashay wax ka beddelka lagu sameeyey.


