DHAGEYSO: Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay heshiiskii lagu gaaray Muqdisho

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa oo isagu ka mid ahaa madaxdii ka qeyb gashay shirkii Madasha Qaran ee shalay magaalada Muqdsiho lagu soo gaba gabeeyay, waxaana uu dib ugu laabtay magaalada Kismaayo oo uu ka taliyo maamulka Jubbaland.

Axmed Madoobe oo warbaahinta magaalada Kismaayo kula hadlay ayaa sheegay shirkii Madasha Qaran ee Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay in uu ahaa mid taariikhi ah.

Waxaana uu sheegay madaxda Soomaaliya kaliya oo cidna aan la jirin in ay iyagu go’aan ka gaaraan hormarka dalka in ay tahay hormar aad uweyn oo lagu farxo.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa in sanadkan 2016-ka ay ka dhacdo doorasho rasmi ah oo dhamaan dadka Soomaaliyeed ay udhan yihiin.