Madaxweynaha Puntland oo Magacaabis Sameeyay

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Guddoomiye u magacaabay Gobolka Sanaag, Iyadoo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Sanaag isna loo magacaabay La taliyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo-aragnimdiisa shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dar-dar gelinta howlaha maamul iyo horumarineed ee Gobolka Sanaag.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Siciid Axmed Jaamac Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag.

2. Waxaa Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Sanaag Cali Xuseen Soomaali loo magacaabay La taliyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland.