Ugaas Xasan oo Muqdisho ku geeriyooday

Ugaas Xassan ugaas Khalif oo ahaa Ugaaska oo ka mid ah Waxgaradka sida weyn looga yaqaano gobolka Hiiraan ayaa geeriyooday Goordhow.

Allaha Unaxariisto Ugaaska , waxuu kamid ahaa dhaqanka faca fog leh ee Soomaaliyeed gaar ahaan reer Hirshabelle.

Wararka qaar ayaa sheegaya in uu u dhintay Cudurka Karoonaha Virus,inkastoo aan wali la xaqiijin.

Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa xaqiijiyay geerida Ugaaska.