Madaxweynaha oo habeenkii labaad ku hoyanaya Beledweyne maxaase caawa u qabsoomay?

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya oo shalay gaaray magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxa uu kulamo halkaasi kula yeelanayay waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka reer Hiiraan, iyadoo kulamadaasi ay ku qotomeen sidii Odayaasha dhaqanka Hiiraan looga qeyb galin lahaa shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelha Dhexe.

Waxaana uu sidoo kale maanta uu halkaasi shirar uu kula qaatay waxgaradka Hiiraan,waxaana kulamadaas ay dhaliyeen banaanbaxyo geystay khsaare dhaawac ahka dib markii ciidamada dowladda ay rasaas ku fureen dadkii banaanbaxa dhigayay.

Madaxweynaha ayaa habeenkii labaad waxa uu ku hooyanayaa magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, iyadoo ay xusid mudan tahay in dhowaan uu halkaasi gaaray Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo isaguna kulamo la soo qaatay waxgaradka reer Hiiraan laakiin natiijo la’aan uu ku soo gaba gaboobay shirarkooda.