Madaxweynaha oo Dib u magacaabay Guddiga Doorashooyinka 2016

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale soo magacaabay Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ka dib markii lagu diiday Guddigii uu soo magacaabay laba todobaad ka hor.

Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya, ayuu ku soo magacaabay Guddigan oo ka kooban 22 xubnood, si ay garwadeen kaga noqdaan Doorashooyinka Guud ee sanadkan ka qabsoomaya dalka.

Guddigan 15 ka mid ah waxa ay yihiin rag, halka 7-da kalana ay dumar yihiin, waxaana magacaabidoodu lagu saleeyay heer federaal iyo heer gobolba, sida ku cad wareegtadan.

Guddigan ayaa waxa ay hawshiisu noqon doontaa dejinta qorshe hirgelin oo faah faahsan, jadwalka doorashada (kalandarka doorashada) iyo inuu ku dhawaaqo taariikhda ay dhacayaan doorashooyinka sannadka 2016.