Daawo Sawirada: Qaraxii saakay ka dhacay deegaanka Lafoole

Lafoole-RisaalaFM- Deeegaanka Lafoole ee gobolka Shabeelaha Hoose waxaa saakay aroortii ka dhacay Qarax geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa Miinada nuuca dhulka lagu aaso taas oo lala beegsaday Gaari BL ah oo marayay Wadada.

Inta la ogyahay 13 Qof ayaa ku dhimatay halka 7 Qof oo kalena uu dhaawac ka soo gaaray, waxaana dadkii ku dhaawacmay Qaraxaasi loo soo qaaday Isbtaalada magaalada Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa Idaacadda Risaala usheegay in Qaraxa uu ahaa Miinada nuuca dhulka lagu aaso sidoo kalena ay la kacday Gaari BL ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah.

Sawiro laga soo qaaday Gaariga dhibaatada ay qabsatay ayaa muujinaayay in gabi ahaanba gaariga uu bur buray oo qaraxa si xun uu u qabsaday.

Dadkii saarnaa Baabuurka ee qaraxaasi ku dhintay ayaa waxaa ka mid ah sida dadka deegaanka ay sheegeen labo Wiil iyo Aabahood oo ka mid ahaa dadka dhintay

1

2456