Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa la kulmay Madaxdii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane Xasan Sheekh Maxamuud xilli dalka ay ka jiraan dhibaatooyin culus.
Madaxtooyadda Jubbaland ayaa sheegtay in Mas’uuliyiinta ay ka wadahadleen dhibaatooyinka ka taagan in dalka ay ka dhacdo doorasho hufan oo lagu wada qanacsan yahay.
Waxaa sidoo kale lagu sheegay in Madaxweynaha Jubbaland uu sii wadi doona wadahallada ku saabsan arrimaha doorashooyinka.
“Iyadoo ay qeyb ka tahay dadaalka uu Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ugu jiro sidii heshiis loo dhan yahay looga gaari lahaa arimaha Doorashada ayuu Maanta la kulmay Madaxweynayaashii hore ee dalka Mudane Sharif Sheikh Ahmed iyo Mudane Hassan Sheikh Mohamud isagoo kala sheekaystay sidii dalka loogu jihayn lahaa hanaan Doorasho oo la isku raacsan yahay” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Madaxtooyadda Jubbaland.



