Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa goor dhow ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee caasimada dalka kenya.
Cali Mahdi oo sanadyadii ugu dambeeyay kunoolaa Muqdisho ayaa bilihii lasoo dhaafay la sheegay in uu xaalad caafimaad u aaday Magaalada Nairobi.
Cali Mahdi Muxamed waa ganacsade iyo siyaasi Soomaaliyeed.
Wuxuu Madaxweyne ka soo noqday Soomaaliya Janaayo 26, 1991 ilaa 3, 1997. Heshiiskii Qaahira ee bishii Diseembar 1997 ayaa Cali Mahdi mar kale loogu magacaabay madaxweyne, jagadaas oo uu hayay ilaa uu kala wareegay Cabdiqaasim Salaad sanadkii 2000.



