Waxaa isasa soo dhiibay maanta
Cabdiraxmaan Shirwac Awsiciid ( Laahoor) oo horey Puntland xukun ugu ridey isagga oo lagu eedeeyay inuu waqti dheer ka mid ahaa kooxaha Shabaab iyo Daacish.
Laahoor waxyaabaha lagu eedeeyay waxaa ka mid ahaa qarax lala eegtay sanadkii 2022 wafti uu hoggaaminayo Madaxweyne Deni, weerarkii xabsigga Boosaaso iyo dilal qorshaysan iyo qaraxyo ka dhacay merfishyo qaad oo ku yaal Boosaaso.
Laahoor keligiis ayaa isa soo dhiibay sidda, Waxaana gacanta ku haya gudoomiyaha degmada Qandala.
Maamulka degmada Qandala oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay Horjooge” LAAHOOR”.
” Ciidamada difaaca puntland Gar ahaan Ururka Gantaal Ee degmada qandala Oo Fadhigoodu Yahay Magaalada Unuun Ee Degmada Qandala Ayaa Hawlgal Ay ka Wadeen Deegaanka Gurur Ee degmada Qandala Ayuu iso dhiibay Laahor ciidanka Iyo Maamulka Degmada Qandala.” Ayaa lagu yiri qoraalka.
Laahoor ayaa ah Madaxii Dilalka Qorshaysan ee Daacish Magaalada Boosaaso sanadkii 2017 ilaa 2022-ka



