Booliska Soomaaliya oo soo saaray amarro culus iyo digniin loo diray goobaha ganacsiga.

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa maanta soo saaray go’aano adag oo la xiriira arimaha amniga ee dalka, kaasi oo ku aadan curyaaminta maaliyada ee kooxaha argagixisada.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya C/Fitaax Aadan Xasan ayaa amar adag duldhigay shirkadaha iyo goobaha ganacsiga ee ku yaala dalka oo ay ku jiraan hay’adaha Caalamiga ah.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in wixii laga bilaabo 10 febraayo inay isa soo diiwaan geliyaan, islamarkaana ay qaataan warqada dambi la’aanta, si loo cadeeyo in hay’adahaasi aysan ku jirin in ay gacan saar la leeyihiin kooxda.

Fariintan ayaa waxaa loo diray shirkadaha Isgaarsiinta, Isbitaalada, Nootaayooyinka iyo xarumaha ganacsiga, islamrkaana ay u hoggaansamaan talaabooyinkan loogu hortagayo kooxdaha argagixisada ah.

Afhayeenka ayaa xusay in xaruntii isa soo diiwaan gelin waysa laga qaadi doono tilaabo adag oo waafaqsan sharciga, wuxuuna sheegay in taliska Booliska ay fulinayaan qaraarkii ka soo baxay golaha wasiirada Soomaaliya, kaasi oo ahaa in la curyaamiyo ilaha dhaqaale ee kooxda Al-shabaab.

Amarkan iyo go’aanka adag ay soo saareen taliska Booliska Soomaaliya ayaa imaanaya xili, dalka ay ka socdaan wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.