Maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan ku aadan labo ruux oo meydkooda la soo dhigay deegaan lagu magacaabo Gabshe oo ku yaalla duleedka dhanka Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo.
Labadaasi ruux oo mid ka mid ah uu yahay qowmiyadda Oromada ah oo degta dalka Itoobiya laakiin in muddo ah degenaa Gaalkacyo, halka ruuxa kalena uu yahay dadka ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya.
Gudoomiyaha gobolka Mudug Xasan Maxamed Khallif oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in laamaha dambi baarista Gaalkacyo ay wadaan cidii ka dambeysay dilka labadan ruux loo geystay.
Bil ka hor ayay aheyd markii qarax ismiidamin ah uu ka dhacay afaafka hore ee Hotel Uunlaay oo ku yaalla Gaalkacyo, waxaana ku geeriyoodey sarkaalkii maamulka Puntland u qaabilsanaa wasaaradda maaliyadda iyo 7 ruux oo shacab ah.


