Taliska Nabad Sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Magaalada Baydhabo kusoo bandhigey 6-Xubnood oo ka tirsanaa KAl-Shabaab, kuwaas oo isku soo dhiibey Ciidanka Nabadsugida Koonfur Galbeed.
Xubnahan isu soo dhiibay ayaa Al-Shabaab uqaabilsanaa dhanka Jabhadaha, iyaga oo ka qeyb-qaatay dagaalo ka kala dhacay qaar kamid ah Gobolada Dalka.
Qaar kamid ah xubnaha Al-Shabaab oo hadlay ayaa sheegay in sababaha ay isku soo dhiibeen ay kamid tahay dhibaatooyin ay kala kulmeen Al-Shabaab, iyaga oo saaxibadooda weli katirsan Al-Shabaab ugu baaqeen inay isaga soo baxaan.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa aad u soo badanayey xubnaha ka soo goosanaya Al-Shabaab, kuwaas oo isku dhiibaya Ciidamada Nabadsugida Maamulka Koonfur Galbeed.



