Howlgal ay sameeyeen Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa Gacanta loogu soo dhigey Eedeysanayaal xilli ay Gacanta kula Jireen sameynta Calaamada A iyo B ee Mooto bajaajka ee uu asteeyay Maamulka Gobolka Banaadir.
Ciidanka Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir ayaa howlgal ka sameeyeen Degmada Dharkeenlay Gaar ahaan Waaxda 2.aad waxay Gacanta kusoo dhigeen 5 Eedeysane oo ku guda Jirey Buufin Mootooyin Sharcidaro ah iyo Garaash Lagu Buufiyo Moota bajaajta Sharciga waa faqsaneyn.
Eedeysanayaasha oo uu soo bandhigay taliska Booliska Gobolka Banaadir Magacyadooda iyo sawitadooda ayaa waxaa ay kala yihiin.
- Maxamed Xasan Xuseen Ina Xaawo Ibraahin Cabdi 50 jir ah
- Max’ed deeq Axmad Cabdi Ina Canab Cali Maxamed 23 jir ah
- Cabdiqani Maxmed Xasan Ina Maryan C/laahi Cabdi 28 jir ah
- Xuseen Deeq Maxamed Ina Xaliimo. Xasan. Nuur 17 jir ah
- Ibraahin C/Qaadir Maxamed Ina Ijaabo C/casiis. C/dulle 24 jir ah
Sidoo kale Eedeysanayaashaan ayaa kala wareejin jiray Taargada Moota Bajaajta ayaga oo Taarga u isticmaala dhowr Mooto Bajaaj .waxaana Goobtaas laga soo helay taargooyin tira badan .
Eedeysanayaashaan ayaa Isugu jira Milkiilaha Garaashka, Farsamayaqaanada buufinta iyo Milkilayaasha Mootooyinka labuufinaayey ,
Sida ay cadeeyeeen Shaqadaan waxay ku jireen in muddo ah waxay mootooyinka u kala wareejinjireen Calaamadaha Dowlada Hoose si Sharciga Baal marsan.




