Shil gaari oo dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa maanta ka dhacay dalcadda laamiga ah ee Dureera oo qiyaastii 17KM u jirta magaalada Boosaaso.
Shilkaan ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo nooca xamuulka qaada ah.
Taliye kuxigeenka Ciidanka ilaalada waddooyinka ee taraafikada Puntland Gaashaanle Sare Maxamed Finiin Yuusuf ayaa sheegay in shilka ay ku geeriyoodeen ilaa Saddex Ruux lix kalena ay yihiin dhaawac, kuwaas oo la geeyay Isbitaalka Magaalada Boosaaso.
Wuxuu sheegay in shilalka ku batay degaannada Puntland ay sabab u yihiin godadka ay qodeen Roobkii ka da’ayay dhawaanahaan, balse amaradii socodka oo ay soo saareen ay u hoggaansami waayeen Gaadiidleyda.
Bilihii la soo dhaafay waxaa degaannada Puntland ku batay Shilalka Gaari, iyada oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen Dad badan oo Shacab ahaa, kuwaas oo ku safrayay Gaadiidka noocyadooda kala duwan.



