Madaxweynaha Maamulka Jubaland e Axmed Madoobe ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay madaxa hay’ada WHO ee Soomaaliya Renee Van de Weerdt iyo wafdi ay hogaaminayso.
Kulanka ayaa lagaga hadlay in la kordhiyo tageerada WHO ee Jubaland iyo sidii loo dardar galin lahaa in Adeegyo Caafimaad ay helaan dadka ku nool deegaanada la xoreeyay iyadoo howshaas ay ka wada shaqaynayaan Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jubaland iyo hay’ada WHO.
Waxaa Madaxweynaha Jubland kulanka ku wehelinayay Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Ismaaciil Garas iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda.



