Dagaal ka dhacay Waqooyiga gobolka Galgaduud & Khasaare ka dhashay

Dagaal sababay dhimasho & Dhaawac  ayaa ka dhacay Deegaanka Shiilo-madoow oo ku yaala nawaaxyiga  degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud kaas oo  dhex marey maleeshiyaad deegaanka ah iyo Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya gaar’ahaan NISA , oo doonayay in ay soo gudbiyaan labo gaari oo kuwa xaamulka ah kuwaas oo la sheegay in Hun uu saarnaa.

Gaadiidkan oo ka yimid dalka Itoobiya, ayaa siday hub nuucyo kala duwan isugu jiray , waxaa xanibay oo wada u  galay maleeshiyaaad hubeysan oo deegaanka ah.

Inta la og yahay 5 ruux ayaa in dagaalkaas ay ku geeriyoodeen  waxaana dadka dhintay ku jira Ciidamo  NISA ka tirsan

sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka ay boobeen  qaar ka mid ah, hubkii saarnaa gaadiidkan, walina lama sheegin  halka loo waday hubkan iyo cida laheyd.