Muqdisho-RisaalaFM- Maamulka ugu sareeya Idaacadda Risaala iyo Shaqaalaha ayaa hambalyo ku aadan farxada Ciidul Fidriga udiray dhamaan dadka Islaamka ah meel walbo oo ay joogaan, maadaama ay caawa dhalatay Bisha Shawaal.
Maamlinta beri ah ayaa guud ahaan dalalka Islaamka waxaa la rajeynayaa in si weyn looga dabaal dego maalinta Koowaad ee Ciidul Fidriga.
Agaasimaha Guud ee Idaacadda Risaala Al-ustaad Maxamed C/wahaab C/laahi ayaa sheegay in dhageystayaasha Idaacadda beri si weyn loogu soo dhaweyn doono Xarunta dhexe ee Idaacadda sidoo kalena dhageystayaasha loo diyaariyay Barnaamijyo gaar ah oo ay ku xusan yihiin hadiyado qaali ah.
Dalalka Islaamka ayaa guud ahaan ku dhawaaqay in maalinta beri ah ay tahay 1-da Bisha Shawaal sidoo kalena loo dabaal degayo Munaasabadda Ciidul Fidriga.



