Guddiga Hirgelinta doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Maamulka Hir-Shabeelle ayaa shaaciyay Jadwalka doorashada laba kamid ah kuraasta Golaha Shacabka iyo Guddiga xulista Ergada dooraneysa labada Kursi.
Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu shaaciyay in Maanta la diiwaangelinayo Ergada doorashada iyo musharrixiinta labada kursi ee doorashadooda Maalinta berito ah ay ka dhaceyso Magaalada Beledweyne, kuwaas oo kala ah.
1: Hop#011 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyo Wasiirkii hore ee Amniga Cabdirisaaq Cumar Naxamed dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud.
2: Hop#063 oo uu hadda ku fadhiyo Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre, waxaana kuraastaan ay kamid tahay kuraasta isha lagu wada haayo oo ay adag tahay diirashadooda.
Maamulka Hir-Shabeelle ayaa la filayaa in todobaadyada soo socda uu soo geba-gabeeyo doorashada kuraasta Golaha Shacabka, waxaana weli Magaalada Jowhar uga harsan doirashada ilaa lix kursi.



