Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa sheegay in dadka ku nool degaannada Gobolka Mudug ay ahaayeen kuwo si wanaagsan u wada nool, hayeeshee la soo kala dhex-galay.
Waxaa uu ku eedeeyay in Al-Shabaab ay dadka ka faa’iideysteen, isla markaana ay sabab u noqdeen in Colaad beeleedyo ay ka abuurmaan degaannada Gobolka Mudug waa sida uu hadalka u dhigay..
Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa ku dhawaaqay dagaal degaannada Gobolka Mudug looga saarayo Al-Shabaab, waxaana Bulshada uu ugu baaqay inay hubka qaataan oo ay ka qeyb qaataan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa waxaa uu sheegay in Puntland & Galmudug ay ka go’aan tahay la dagaalanka Al-Shabaab dhawaana laga saari doono degmooyinka Ceelbuur iyo Xarardheere.
Hadalkaan kasoo baxay Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli ay istaageen howlgalladii Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ka wadeen degaannada Koonfurta Gobolka Mudug.



