Duqeyn ka dhacday Magaalada Kabul

Dhowr Hoobiye ayaa waxay  ku habsadeen Deegaanka Khayr Khaana ee Waqooyi Galbeed ee caasimada dalka Afganistan ee Magaalada Kabul.

Warar ayaa sheegayo inay qaar ka mid ah Hoobiyaasha ku dhaceen meel ku dhow Wershadaha Korontada siisa magaalladda Kabul.

Warbaahinta Tolo News ayaa sheegtay inaysan weli kala caddayn khasaaraha ka dhashay Duqeymahaasi.

Shabakadda Wararka ee Aamaj News ayaa soo werisey inaysan cidna wax ku noqonin Duqeyntaasi, balse uu jiro Burbur soo gaaray Hanti ay dadka Deegaanka lahaayeen.

Ma jirto Koox sheegatay mas’uuliyada Duqeymahaasi oo ku soo beegantay, xilli uu Khilaaf xooggan ka dhex jiro Hoggaamiyayaasha Daalibaan oo ku kala qeybsamay Nidaamka Awood-qeybsiga ee Xilalka Dowladda Imaaradda Islaamiga ee Afganistan.