Maamulka Gobolka Banaadir oo dibadbax iclaamiyey

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu iclaamiyey in Maalinta Khamiisto ah ee soo socota uu Magaalada Muqdisho ka dhaco banaanbax looga soo horjeedo Al-Shabaab.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in banaanbaxaas uu noqon doono midweyn  ioo Shacbaka Muqdisho ku muujinaayan midnimadooda iyo in meel loogu soo wada jeesto Al-Shabaab.,

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in Al—Shabaab dhibaato ku hayaan Shacabka Gobolkan Banaadir,isla markaana Shacabka looga baahan yahay inay ka dhiidhiyaan.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qarax ay ku dhinteen dad u badan Shacab oo Sabtidii todobaadkaan ka dhacay Isgoyska Ex-koontorool Afgooye ee Muqdisho,iyaga oo tacsi u direy dadkii ku dhintey.