Maamulka gobolka Banaadir oo Caddaaladda horgeynaya labo ruux oo Askari dilay

Kusimaha Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahna Gudoomiye ku Xigeenka Maamulka Iyo maaliyada Ibraahim Cumar Mahadalle Ibraahim Dheere ayaa Tagay Saldhiga Degmada Waddajira Oo Lagu xiray Laba Ruux oo Dil u Geystay Askari Katirsanaa Ciidamada Amniga Dowlada.

Labadda ruux ayaa ku hubeysanaa Bastoolado, waxaana ay mid ka mid ah dhaawacay Ciidanka Ammaanka markii uu isku dayay in uu baxsado.

Gudoomiyaha Degmada Wadda jir Ee maamulka Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan maxamed Macalin Cali ayaa sheegay in ay Hay’adaha Amniga Gacanta ay uga Soo dhigeen Labada Nin ee Suuqa degmada Waddajir ku dilay Askariga katirsanaa Ciidamada Dowlada.

Kusimaha Gudoomiyaha Gobolka banaadir ayaa sheegay in Caddaaladda La Horgeyndoono Labada ruux ee dilay Askariga, waxaana uu u mahadceliyay Ciidanka Booliska oo gacanta ku dhigay.