DHAGEYSO:Maamulka Aadan-yabaal oo beeniyey in ay AMISOM la wareegtay degmadaas.

Maamulka degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabellaha dhexe ayaa beeniyay  ay AMISOM la wareegtay degmada Aadan gobolka shabeellaha dhexe.

War ay AMISOM saakay soo saartay ayaa sheegay ayey ku sheegtay in ay la wareegtay degmada Aadan-yabaal ee gobalka shabellaha dhexe.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe uu duulaan ku yahay degmada Aadan-yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe islamarkaana ay dhawaan Deg Deg ula Wareegi doonaan.