Ma dhab baa in De Jong uu heshiis la gaarray Barcelona ?

Wargeyska Spanish-ka ah ee Mundo Deportivo ayaa waxa uu ku warramayaa in Barcelona ay heshiiska shaqsiga ah la gaartay laacibka kooxda Ajax ee Frenkie De Jong.

Cinwaanka bogga hore ee majaladda kasoo baxda Catalonia ayaa lagu daabacay halku dhig ah in De Jong uu yiri: “haa Barca”.

Warkan ayaa yimid xilli dhawaan maalmo ka hor ay soo if baxeen in xiddig yaraha Netherlands uu soo dhoweeyay ku biirista kooxda reer Spain, isla markaasna uu ka doorbidayo kooxda Paris Saint-Germain.

Waxaa harsan imminka inay wada hadal qaataan labada koox, iyadoo agaasimaha ciyaaraha kooxda Ajax ee Marc Overmars uu tilmaamay in 21-jirkan ay ku iibinayaan €75m.

Bishii aynu kasoo gudubnay, naadiga reer France ee PSG ayaa lagu soo warramayay inay diyaar la tahay qiimaha ay kooxda ka ciyaarta Eredivise-ka ku dooneysay iibka ciyaaryahankan.