M. Carrick oo War kasoo saaray Mustaqbalkiisa Old Trafford

Qadka dhexe ee kooxda Manchester United ayaa shaaca ka qaday inuu doonayo in heshiis cusub uu usaxiixo kooxdiisa.

Heshiiska ciyaaryahankan ee Manchester United ayaa ku eg dhamaadka xili ciyaareedkan, waxaana lala xariirinayaa inuu kooxda ka tagayo.

Si kastaba, qadka dhexe ee qaranka England ayaa jecel inuu heshis dheeraad ah usaxiixo kooxda Old Trafford ka dhisan si uu sano kale oo guulo ah ula qaato United

Carrick ayaa yiri: “Waxaan halkan joogay mudo dheer, waxaana ku leeyahay xiliyo muhiim ah, waan jeclahay kooxda, waana wax weyn inaan uciyaaro.

Ciyaaryahanka oo ka hadlayay kulankii Manchester Derby ayaa yiri “Ciyaarida kulankan mid lamid ah, waxaa ay kugu haynaysaa inaad sii joogto, waanse sugeynaa oo aan arkeynaa waxa dhaca.”

Si kasraba, xidigii hore ee Tottenham ayaa xili ciyaareedka danbe noqon doona 35 sano jir, kooxda United ayaana la filayaa in heshiis hal sano ah ay usaxiixdo.