Liverpool oo wadadii guulaha kusoo laabatay kadib markii ay garaaceen Huddersfield Town

Sadex gool oo ay kala dhaliyeen Emre Can, Roberto Firmino iyo Mohamed Salah ayaa wadadii guulaha kusoo celisay Liverpool oo qasaaro la kulantay labadii kulan ee ugu dambeysay dhamaan tartamada oo dhan.

Jurgen Klopp iyo wiilashiisa ayaana si fiican u muujiyay iney wali ku jiraan tartanka afarta sare iyo sidoo kale horyaalka markii ay iyagoo marti ah kusoo adkaadeen garoonka John Smith Stadium.

Liverpool waa koox uu cadaadis xoogan saaran yahay maadaama labadii kulan ee ugu dambeysay ay guuldaro la kulantay, balse waxey ciyaarta ku bilaabatay si feejignaan leh isla markaana laga dareemayay iney guul u baahan tahay.

GOAL: Daqiiqadii 26-aad: Emre Can ayaa shabaqa soo taabtay, wuxuuna durba ka farxiyay jamaahiirta tirada yar ee soo xaadiray garoonka John Smith Stadium.

GOAL: Daqiiqadii 44-aad: Roberto Firmino ayaa shabaqa soo taabsiiyay kubad lama filaan aheyd, si qurux badan ayuu kaga soo galay geesta midig ee garoonka, si xatooyo ah ayuuna uu shabaqa ugu shubay.

Qeybtii labaad markii la isku soo laabtay Reds ayaa si aan caadi aheyn cadaadis kale u saartay goolka Huddersfield Town, balse ilaa uu yimaado goolka rigoorada ee Salah uma suuragalin iney shabaqa soo taabtaan.

GOAL: Daqiiqadii 78-aad: Mohamed Salah ayaa dhaliyay goolka sadexaad ee Reds, iyo goolkiisa 19-aad ee horyaalka Premier League markii uu dhameystiray rigoore lagu abaalmariyay kooxdiisa.

Natiijada waxey ku dhamaatay 3-0, oo ay Liverpool guusha ku raacday, Jurgen Klopp ayaana iska qaaday cadaadis badan oo saarnaa madama aysan guul gaarin tan iyo markii ay 4-3 kaga badiyeen kooxda hogaamineysa horyaalka ee Manchester City.