Kooxda Chelsea oo ku dhawaaqday saxiixa daafaca reer Brazil Emerson Palmieri

Chelsea ayaa ku dhawaaqday saxiixa daafaca reer Brazil Emerson Palmieri kaas oo ay kala soo wareegeen Roma, waxaana xidigaan lagu xoojin kooxda uu haatan heysto tababare Antonio Conte.

23-jirkaan wuxuu qalinka ku dugay heshiis 4-sano iyo bar ah, isagoo xiran doona lambarka 33-aad ee kooxda difacaaneysa horyaalka Ingiriisak.

“Kubadda cagta Ingiriiska waa mid aan daawan jiray tan iyo 15-jirkeygii, runtii waa kubad aad u qurux badan markuu dhamaado kulanka, sidoo kalana inaad ku ciyaarto waa mid kasii qurux badan” ayuu yiri Palmieri.

Dhanka kale agaasimaha kooxda Blues Marina Granovskaia ayaa shaaca ka qaaday iney aad ugu faraxsan yahiin helitaanka xidigaan heerka caalami ee Emerson Palmieri dos Santos.