Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa lagu qasbay inuu raali ku noqdo guuldarro 2-1 ah oo ka soo gaartay Liverpool kulankii ka dhacay New Jersey.
Pep Guardiola ayaa ku ammaanay ciyartooyda dhalinyarada Manchester City inay shaqo fiican qabteen inkastoo guuldarro 2-1 ah ka soo gaartay Liverpool.
Manchester City ayaa waxaa goolasha ka dhaliyay Sadio Mane iyo Mohamed Salah kulankii ka dhacay New Jersey xalay.
Xiddiga seegay Koobka Adduunka ee Leroy Sane ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa kadib markii uu ka faa’iideystay qalad ka yimid labada daafac ee Liverpool Virgil van Dijk iyo Nathaniel Clyne.
Laakiin Reds ayaa dib ugu soo laabatay ciyaarta lix daqiiqo ka dib markii Mohamed Salah oo kursiga keydka ka soo kacay uu barbaro ka dhigay ciyaarta.
Laacibka garabka ka ciyaarta ee Mane goolka guusha u dhaliyay Liverpool oo 2-1 kaga badisay Manchester City.



