Alexis Sanchez ayaa sabab u ahaa in kooxda Manchester United ay rigooreyaal ku badiso kulankii tartanka ICC oo ay wajaheen saaka kooxda AC Milan.
Ciyaaryahanka reer Chile Sanchez ayaa ahaa ciyaaryahankii ugu fiicnaa United kulankii ka dhacay garoonka Carson StubHub Center ee ku dhamaaday barbaraha.
Sanchez ayaa hogaanka u dhiibay United daqiiqadii 12aad ee ciyaarta ka hor inta uusan seddex daqiiqo ka dib soo barbareyn Suso.
Inkastoo Sanchez uu soo bandhigay qaab ciyaareed u fiican United, kooxda horyaalka Premier League ka dhisan ayaa awoodi waysay inay gool kale dhaliso, iyagoo ugu dambeyn guusha ku qaadatay rigoorayaal.
Goolhayaha Manchester United Joel Pereira, oo laga soo hormariyay kulankaan David De Gea iyo Sergio Romero, ayaa qabtay shaqada ugu fiican ciyaartaan.
kooxda Manchester United ayaana 9-8 rigoorayaal ah kaga badisay kulankaan kooxda ka dhisan talyaaniga ee AC Milan.



