Mourinho oo sharaxay sababta Martial ugu duulay Paris

Anthony Martial ayaa ka tagay safarka Manchester United ugu diyaargaroobeyso xilli ciyaareedka soo socda si uu kaga qeyb galo farxada dhalashada wiilkiisa labaad.

Jose Mourinho ayaa xaqiijiyay in Anthony Martial uu ka tagay Manchester United oo ku sugan Mareykanka si uu dhalashada wiilkiisa kaga qeyb galo magaalada Paris.

Martial ayaa si weyn loola xiriirinayay inuu isaga tagayo kooxdiisa ka dib markii wakiilkiisa uu sheegay inuu doonayo u dhaqaaqista koox uu boos ka heli karo.

Waxaa lagu soo waramayay Arbacadii in Martial uu ugu laabtay gurigiisa sabab la xiriirta qilaaf kala dhaxeeya kooxda, laakiin Mourinho ayaa xaqiijiyay inuusan jirin wararkaas xanta ah.

“Waan ogahay in Martial uu u tagay Paris dhalashada wiilkiisa” ayuu yiri Mourinho kadib markii kooxdiisa 9-8 rigoorayaal ah kaga badisay AC Milan.