Liverpool Oo Boos Fiican Loo Saadaaliyay

Horyaalka Premier League ayaa si la mid ah horyaalada kale ee Yurub waxa uu hakad ugu jiraa halista caabuqa coronavirus, laakiin waxaa la xaqiijiyay in xili ciyaareedkan la dhamaystiri doono ka hor inta aan la qorshayn xili ciyaareedka cusub ee soo socda.

Kooxda Liverpool ayaa qarka u saaran in ay markeedii 19 aad ku guulaysato koobka horyaalka England waxayna u baahan yihiin 6 dhibcood oo kaliya iyada oo u baahan in ay laba kulan oo kaliya guulaystaan si ay koobka xisaab ahaan si rasmi ah ugu guulaysato.

Laakiin guusha Liverpool waxay noqon doontaa mid ayna soo dhawayn doonin kooxaha reer Manchester City sababo kala duwan iyada oo la ogaaday in xifilka cusub ee Liverpool iyo Man City iyo kii soo jireenka ahaa ee Reds iyo Man United uu markale noqon doono mid la hadal hayn doono.

Liverpool waxay soo gaba gabaynaysaa 30 sanadood oo ay ka maqnaayeen koobka Premeir League waxayna hadda doonayaan in ay guulihii ay soo gaadheen ku dul dhisaan kalsoonida ay halka ugu saraysa ee England iyo yurub ugu sii nagaan lahaayeen.

Liverpool waxay sanadkii la soo dhaafay ee 2019 ku soo guulaysatay koobabka Champions League, UEFA Super Cup iyo Club World Cup waxayna sidaa ku noqotay kooxda abid ugu koobabka badan kubbada cagta England.

Inkasta oo saamaynta cudurka coronavirus ay waxyeelo wayn u gaysanayso dhaqaalihii badnaa ee kooxaha Yurub, haddana waxaa la saadaaliyay in Liverpool ay sanadkan 2020 soo galayso kooxaha ugu sareeya ee horyaalka lacagta kooxaha aduunka ee loo yaqaan Deloitte Football Money League.

Qiimayn lagu sameeyay kooxaha kubbada cagta ugu lacagta badan ee ku soo bixi jiray horyaalka lacagta ee Deloitte Football Money League waxay Liverpool kaga jirtay kaalinta 7 aad waxaana lacag ilaa laba milyan ah ka saraysay Manchester City balse hadda waxaa la sugayaa isbadal kii hore ka duwan.