Liverpool iyo Man United oo Hal Ciyaaryahan ku tartamaya

Liverpool ayaa tartanka saxeexa kabtanka Aston Villa ee Jack Grealish kula biirtay dhigeeda Manchester City iyo Manchester United. (Mirror)

Manchester United ayaa ku rajo weyn inay kooxo ay kamid yihiin Real Madrid, Chelsea iyo PSG ku garaaci karto saxeexa 28 sano jirka daafaca ah ee David Alaba oo heshiiskiisa Bayern Munich dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan (Mirror)

Sidoo kale Liverpool ayaa isha ku haysa saxeexa David Alaba si ay ugu soo xoojiso daafaceeda (Sun)

Manchester United iyo Liverpool ayaa kamida tiro kooxo ah oo doonaya saxeexa daafaca dhexe ee Schalke 04 ee Ozan Kabak kaas oo ay kooxdiisu lacagta ay iibkiisa ku doonaysay kasoo dejisay 40 Milyan oo Pound kana dhigtay 25 Milyan oo Pound. (Mail)

Arsenal ayaa isha ku haysa inay suuqa bisha January u dhaqaaqdo saxeexa kubad sameeyaha Inter Milan ee Christian Eriksen. (Gazzetta dello Sport via Sport Witness)