Juventus ayaa soo gashay tartanka loogu jiro saxiixa bartilmaameedka Liverpool ee Mahmoud Dahoud oo Borussia Monchengladbachka tirsan , sida laga soo xigtay Tuttosport.
Reds ayaa lala xiriirinayay inay keento 20-sano jirkan Premier League, laakiin hadda tartankusoo biirtay kooxda hoggaamineysa Serie A ee Juve.
heshiis Dahoud ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedka 2017-18, iyadoona Monchengladbach ay diyaar u tahay inay lacag kaash ah ka hesho Ciyaaryahanka khadka dhexe ee xulka Germany ee da’doodu ka yar tahay 21-ka sano u safta, ka hor inta uusan beeca xorta ah kaga tagin kooxdiisa.


