Pierre-Emerick Aubameyang ayaa sheegay in uusan kala ogeyn in uu u ciyaari doono Borussia Dortmund xilli ciyaareedka soo socda.
Weeraryahanka heerka caalami ee dalka Gabon ayaa cadeeyay inuu ma uun jeclaan lahaa inuu u dheelo kooxda Real Madrid mustaqbalka, waxa uuna sheegay inuu ka ballan qaaday awoowihiis.
Manchester City, Arsenal iyo Manchester United ayaa sidoo kale lala xiriirinayay 27-sano jirkan, kaasoo labo gool dhaliyay kulankii ay kooxdiisa Dortmund 4-1 kaga badiyeen kooxda Borussia Monchengladbach Sabtidii shalay, weerar yahankan ayaa dhaliyay 18 gool kulamada uu u saftay kooxdiisa xilli ciyaareedkan.
Aubameyang ayaana heshiiskiisa dhacayaa heshiiska uu kula jiro kooxda ka dhisan Signal Iduna Park sanada 2020.


