Lambarkee ayuu xiran doonaa Victor Lindelof marka uu kusoo biiro Man Utd

Taageereyaasha Manchester United ayaa isku diyaarinaya inay arkaan saxiixoodii ugu horreeyey ee xagaagaan.

Wuxuuna noqon doonaa daafaca dambeedka midig ee qaranka Sweden iyo kooxda Benfica Victor Lindelof kaasoo Man United kula soo biiri doona qiimo lacageed dhan 30.7 milyan oo ginni, ka dib markii ay kooxdu barteeda Twitter ku xaqiijisay in heshiiskiisa la isla meeldhigay.

Si kastaba ha ahaatee, taageereyaasha Man United waxay isweydiinayaan lambarka uu xiran doono Victor Lindelof marka ugu dambeyn uu ka mid noqdo daafacyada uu ku xisaabtami doono tababare Jose Mourinho xilli ciyaareedka soo aadan.

Lindelof lambarka 14aad ayuu u xiran jiray kooxda laga soo iibsaday ee Benfica, laakiin marka la joogo Man United lambarkaasi ma ahan mid bannaan sababtoo ah waxaa xiran garabka reer England Jesse Lingard. Kuna darso Lindelof ayaa lambarka 14aad u xirnaa xulkiisa Sweden intii lagu jiray tartankii Euro 2016.

Sidoo kale Victor Lindelof ayaa lambarka 3aad ayuu usoo xirtay xulka qaranka Sweden, laakiin lambarkaas haddii uu xulan lahaa Eric Bailly ayaaba haatan u xiran Man Utd.

Xigasho Gool.net