Xiisad Dagaal oo Saaka ka taagan Shabeelaha Hoose

Wararka naga soo gaaraya degaano dhowr  ah oo ku yaalla gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Saaka halkaasi Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka waddaan dhaqdhaqaaq Ciidan.

Degaanada Bariire iyo sidoo kale Jannaale oo ay Shalay ku dagaalameen Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ayaa Saaka waxa la sheegaya in halkaasi ay ka barakacayaan dadkii deganaa.

Ciidamada dowlada iyo Al-Shabaab ayaa Shalay dagaal culus oo saacaddo badan qaatay waxaa uu ku dhexmaray degaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana Al-Shabaab laga wareegay degaano dhowr ah , inkastoo markii ay dib uga soo baxeen Ciidamada dowladda.

Al-Shabaab ayaa ku xooggan Shabeelaha Hoose gaar ahaan degaanada Bariire, Janaale iyo Tooratoorow.

Saraakiisha Ciidamada dowladda ayaa waxa ay sheegayaan in howlgalkaan uusan joogsan doonin tan iyo inta Al-Shabaab laga saarayo Shabeelaha Hoose.