Ciidamada Badda ee Dowladda UK ayaa waxa ay sheegeen in ay qabteen Daroogo aad u fara badan oo loo soo waday Bariga Afrika.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda Ingiriiska ayaa sheegay in ay Aaminsan yihiin in dooragadaan loo soo waday dalal ay ka mid tahay Soomaaliya , islamarkaana la doonayay in lagu dhibaato Shacabka Kunool Bariga Afrika.
Daroogada ayaa lagu qiyaasay KSh8.6 billion , waxaana lagu qabtay xeebaha Badweynta Hindiya , iyadoona hadda lagu haayo dalka Kenya.
Sida ay sheegeen Ciidamada dowladda UK ee ku sugan Badweynta Hindiya Dooragaan ayaa dhan 445 kg oo cannabis iyo 266 kg oo ah Heroin, waxaana lagu waday doomo.
Waxa ay xuseen in aysan caddeyn karin dadkii waday Dooragadaasi dalalka ay kasoo jeedaan ,maadaama ay wali baaris ku waddaan, Laakiin Saraakiisha ayaa xaqiijiyay in dooragadaasi loo soo waday Bariga Afrika.



