Labo Wiil oo walaalo ah oo lagu dilay gobolka Mudug

Wararka naga soo gaaraya bariga gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in Maleeshiyaad hubeysan ay degaanka Caliwaal  ku dileen labo wiil oo walaalo ah.

Sida ay Risaala u sheegeen dadka degaanka dilka wiilashaan ayaa waxaa uu salka ku haaya Anooyin qabiil oo maalmihii lasoo dhaafay ka taagnaa Bariga gobolka Mudug.

Maleeshiyaadkii dilka geystay ayaa la sheegay in ay baxsadeen , waxaana hadda xiisad ay ka jirta Bariga gobolka Mudug.

Dilka ayaa waxaa geystay Maleeshiyaad xoolo dhaqato ah oo ku sugan Bariga Mudug.

Degaanka Caliwaal ayaa ka mid ah degaanada hoos yimaada degaanka Balibusle ayaa maalmihii lasoo dhaafay  waxaa  ku dagaalamaayay Maleeshiyaad kasoo kala jeeda maamulada Puntland iyo Galmudug.

Odayaasha labada dhinac ay waday dadaallo kala duwan oo arintaasi lagu xalinaayo inkastoo aysan hirgalin.