Labo dumar ah oo maxkamad loo soo taagay dilka Kim

Labo haween ah oo lagu eedeeyay in ay dileen Kim Jong-nam, oo ay isku aabo yihiin hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu soo oogay dilkiisa.

Doan Thi Huong oo reer fiitnaam ah iyo Siti Aisyah oo Indunuusiyaan ah ayaa Lagu eedeeyay in ay wajiga ka mariyeen Kim sunta halista ah ee neerfaha waxyeesha ee VX isaga oo 13 Febaraayo ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kuala Lumpur.

Waxay ka soo muuqdeen maxkamad ku taalla caasimadda Malayshiya iyaga oo ay ilaalinayaan ciidammada sida khaaska ah u tababaran.

Haddii lagu helo in ay dileen waxay mutaysan karaan dil toogasho ah.

Doan Thi Huong ayaa markii ay dhagaysatay dacwadda sheegtay in ay fahantay balse aysan dambiile ahayn, iyada oo af Ingiriis ku hadashay.

Waxaa si wayn loo rumaysan yahay in Kuuriyada Waqooyi ay masuul ka tahay weerarkaas, arrintaas oo ay si wayn u diiday.