Xildhibaanada Baarlamaanka 10-aad ee golaha Shacabka Waa Wakiilka Shacabka Soomaaliyeed, Waana Awooda ugu sareysa ee Sharci dajinta Dalka sida ku cad qodobka 1-aad ee Xeer hoosaadka Baarlamaanka.
Awoodaha golaha Shacabka ay leeyihiin Waxaa ka mid ah ansixinta, Wax ka badalka, iyo diidis hindise sharciyeedyada la horkeeno golaha shacabka.
Kalsooni siinta Ra’isal Wasaaraha iyo Xukuumadiisa, u codeynta mooshin ku saabsan diidista ama kala noqoshada kalsoonida, la xisaabtanka Hay’addaha Dowladda Federaalka si loo hubiyo fulinta Sharciyada sida ku Cad qodobka 2-aad ee Xeer hoosaadka Baarlamaanka.
Xubin kasta oo ka mid ah golaha Shacabka ee 275-ta ah Waxa ay xaq u leeyihiin sida uu qabo qodobka 14-aad ee Xeer Hoosaadka Baarlamaanka.
- Gunno Xileed Bille ah oo ah lacagaha Xildhibaanada Qaranka loogu talo galay in la siiyo bil kasta.
- Gunno Fadhi oo lagu Siinayo Xildhibaan Kasta sida uu usoo xaadiro Kulamada Baarlamaanka.
- Gunno degaan
- Gunno Caafimaad oo ah lacago iyo Daryeel Caafimaad oo la siiyo Xildhibaanada.
- Gunno Gaadiid oo ah gaadiidka uu isticmaalo Xildhibaanka.
- Gunno Sahay Safar Shaqo ah oo loola jeedo Marka Xildhibaanka uu aadayo Safar shaqo oo dibada ah iyo Aqoon kororsi.
Xildhibaanada qaar oo aan la sheekeystay ayaa waxa ay ii sheegeen in Daruufaha adag ee Dalka ka jira iyo dhaqaalo yari jirta awgeed in Xildhibaan kasta gunnooyinkaasi oo dhan loogu soo koobay lacag gaareysa 3 Kun oo dollar.
Xildhibaanada Golaha Shacabka Waxa ay yeelanaya labo kala Fadhi, Kalfadhi kasta waxa uu soconaya muddo Afar bilood ah, Kalfadhi kasta marka uu dhamaado Xildhibaanada waxa ay galaayaan Fasax 2 bilood ah sida ku Xusan Cutubka 6-aad qodobkiisa 24-aad ee Xeer Hoosaadka ee Baarlamaanka.
Sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka Waxa ay yeelan karaan kulamo aan Caadi ahayn marka laga helo codsi qoraal ah Xildhibaano gaaraya 20%, iyo sidoo kale marka uu dalbado Madaxweynaha JFS.
Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 1 bisha Maarso 2017 Waxa lagu Wadaa in uu furmo Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 10-aad.
Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si rasmi ah u furayo Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka sida ku cad qodobka 90 Faqradiisa G ee Dastuurka Dalka.
Baarlamaankan ayaa Waxa uu noqonaya Baarlamaankii 10-aad oo ay Soomaaliya yeelato, Waxaana Xildhibaanadiisa lagu soo doortay qaabka ka duwan Baarlamaanadii hore, Waxaana Xildhibaan kasta soo doortay 51 Ergo.
Waxaa horyaalla Shaqooyin badan, Waxaa sugaya ansixinta dhowr Hindise sharciyeed, ka shaqeynta sameynta sharciyo kale balse Waxaa ka soo qaadaneynaa shaqooyinka ugu muhiimsan ee sugaya.
- Sameynta Istaraatiijiyaddii uu golaha shacabka ku howlgali lahaa Afarta Sano ee soo socota.
- Dhismaha guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka oo hadda Xildhibaan walba la siiyay fursad uu ku soo doorto Saddex guddi oo uu xiisaynayo in uu ka shaqeeyo, si midkood loogu qoro loona diiwaan geliyo inuu ka tirsan yahay Guddigaasi.
Dib u habeynta Xeer Hoosaadka Xildhibaanada Golaha Shacabka si uu ula jaanqaado baarlamaanka 10-aad.
- Sharciga Kheyraadka Biyaha.
- Go’aan ka gaarida Ra’isal Wasaaraha Magacaaban iyo Xukuumadda uu dhawaan soo dhiso doono hadii uu helo Codka Kalsoonida Baarlamaanka.
- Dib u eegista Dastuurka sida KMG loo ansixiyay oo ay Soomaaliya leedahay.
- Sameynta Xubnaha Maxkamadda dastuuriga ah oo ah Xubno Muhiim ah oo loo baahan yahay.
- Dhismaha guddiga la dagaalanka Musuq maasuqa.
- Sharciga Maareynta Kaalmaha Shidaalka.
- Dhismaha Xubnaha Guddiga Adeegga Garsoorka.
- Sharciga Xuquuqda siyaasiyiinta Xilalka ka soo qabtay Dowladihii dalka soo maray, Waxaana sharcigaan horay si adag kaga dooday Xildhibaanada Baarlamaankii 9-aad.
- Dhismaha Guddiga Iisgaarsiinta.
- Ansixinta Miisaaniyadda.
- Hormarinta Howl-Wadeenada Baarlamaanka iyo Joogteenta Tababaradooda.
Intaas iyo kuwa kale oo aad u tiro badan ayaa waxa laga sugayaa in Xildhibaanada iyo Guddoonka Golaha Shacabka ay ka shaqeeyaan Afarta sano ee soo socota.
Baarlamaankii kan ka horeeyay ee 9-aad Waxa uu ansixiyay Afartii Sano ee la soo dhaafay 21 Sharci, 6 Heshiis, iyo in ka badan 40 Qaraar.
Waxaa qoray: Axmed Cabdi Cali


