Diyaarado dagaal oo duqeeyay degaan ka tirsan gobolka Gedo

Wararka naga soo gaaraya degaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in diyaarado dagaal ay duqeeyeen Kolonyo ay leeyihiin Al-Shabaab oo maraayay degaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo.

Taliyaha ciidanka dowladda Soomaaliya ee gobolka Gedo Cabaas Ibraahim Guray ayaa u xaqiijiyay Risaala duqeyntaasi, waxaana uu sheegay in lagu dilay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeynta ayaa ka dhacday meel u dhow Degaanka Ceelcadde waxaana ay diyaaradaha dagaalka ay beegsadeen Kolonyo ay la socdeen Al-Shabaab sida ay sheegayaan Saraakiisha dowladda.

ilaa iyo Hadda lama ogga Khasaaraha ka dhashay.