Xildhibaanada labada Aqalka ee Baarlaaanka Soomaaliaya ayaa maanta kulan aan hore loo shaacin ku yeelanaya Magaalada Muqdisho .
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud ayaa kulanka ka qayb galaya lamamna sheegin Ajandaha kulanka balse waraka ayaa sheegaya in looga hadlayo Heshiiska Soomaaliland ay la gashay Itoobiya .
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Soomaliland Muuse Biixi Cabdi magaalada Addis Ababa ku gaaray heshiis.
Muuqaal lasoo dhigay bogga Facebook ee xafiiska afhayeenka madaxtooyada Somaliland ayaa lagu arkaa Madaxweyne Muuse Biixi oo garab fadhiya Raysalwasaaraha Itoobiya wuxuuna sheegay in ay Itoobiya la galeen heshiis Isfahan, kaas oo Somaliland ay badda ka siinayso meel ay degaan ciidanka Itoobiya halka sida uu sheegay Biixi ay Itoobiyana noqonayso “dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada madaxbannaanida Somaliland”.
“Ra”iisal wasaaraha Itoobiya wuxuu naga codsaday inaynu wada galno isfahan ah in ay badda ka helaan meel ay dagaan ciidankoodu” ayuu yiri Muuse Biixi. Sida aanu ku heshiinay ee ku qoran halkan in annaguna aanu u oggolaanno labaatan kilomitir oo badda ah iyaguna markaaba ay na aqoonsadaan, oo ay qaranka Somaliland dawladdii u horaysay ee aqoonsata ay noqon doonaan,” ayuu kusii daray Muuse.
Sidoo kale , bayaan uu soo saaray xafiiska Ra”iisal wasaaraha Itoobiya ayaa lagu xaqiijiyey Heshiiska



