Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo kulan deg dega ah yeelanaya

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta  shir degdeg ah la isugu yeeray, si go’aan looga soo saaro heshiis ku dhexmaray magaalada Addis Ababa dowlada Itoobiya iyo Somaliland.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre  ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray golaha wasiiradda  iyadoo la filayo inay xukuumaddu mowqif adag ka istaagto heshiiska Itoobiya iyo Somalilanad.

Warbaahinta waxaa hareeyeeyay heshiiska dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland, kaasoo ku aaddan in Somaliland ay badda ka siinayso meel ay degaan ciidanka Itoobiya halka sida uu sheegay Biixi ay Itoobiyana noqonayso dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada madax bannaanida Somaliland.